Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo xalay duqeyn culus ka fuliyay togga Baalade

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, ayaa xalay duqeyn culus ku garaacay firxadka kooxda Daacish ee ku sugan togga Baalade ee kuyaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari., waxaana duqeyntaasi waxyeelo kasoo gaartay xubno katirsan kooxda argagaxasida ah.

Duqeynta ,ayaa la sheegay in si gaar ah loogu garaacay afar goobood oo dhaca afka togga Baalade, halkaasi oo ay u baxsadeen firxadkii laga saaray togga Miraale, islamarkaana la rumaysan yahay in ay horay u joogeen xubno sare oo kamid ah kooxdaasi.

War kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish, ayaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradaha dagaalka Mareykanka fuliyeen lagu beegsaday godad ay ku dhuumanayeen firxadkii kooxda Daacish ee laga saaray Ceelka Miraale.

“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa duqeeyay 4 meelood oo ku yaalla inta u dhexeysa Togagga Baalade iyo Miiraale, waxaa la beegsaday firxadkii Argagixisada oo sii gelaya Godad ay ku dhuumanayeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagaxisada.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa maamulka Puntland garab weyn ku siinaya howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, duqeymaha ayaana khasaarooyin badan gaarsiiyay kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Lamaane dal shisheeye ka iibinayey sir Mareykanku leeyahay oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

Xildhibaan sheegay inuu dowlada Eritrea kala xiriiray arrinta dhalinyarada Maqan

Caydiid Ali

Israel oo duqeysay iskuul ay leedahay Q/Midoobay & gaadiid ambalaas ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---