Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa xaqiijiyay in Ciidamadii Burundi ee ku sugnaa saldhigga hore ee Xawaadley, oo ku yaalla waqooyi-bari Caasimadda Muqdisho, si nabad ah loo soo daad gureeyay sababo la xiriira fatahaad culus oo ka dhacday deegaanka.
Intii lagu guda jiray daad guraynta Isniintii shalay, mid ka mid ah diyaaradaha Helicoptarada ay adeegsadaan ciidamada ayaa farsamo ahaan cilad soo wajahday. waxaana war kasoo baxay AUSSOM lagu sheegay in duuliyaasha diyaaradda si xirfad oo nabbad ah diyaarada u dejiyeen.
Warka kasoo baxay Hawlaglka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha diyaaradda si nabbad ah leh loogu daad gureeyay saldhigga ugu dhow ee milateri, mana jirto cid dhaawac ama waxyeello ah oo la soo war geliyay.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya AUSSOM, waxay amaaneyn askarta u dhalatay dalka Burundi diyaar-garowgooda, taas oo suurtagelisay daad gurayn sahlan oo nabdoon sameeyaan kana baxaan deegaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.