Axmed Madoobe oo Shuruudo ku xiray heshiis uu la galo Madaxda Dowlada Federaalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa kulamo xasaasi ah saacadihii lasoo dhaafay ku yeeshay gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulamada labada dhinac yeesheen ayaa looga arinsanayay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhax aloosan maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo sidii labada dhinac heshiis u wada gaari lahaayeen.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa aqbalay dadaalada uu wado Gudoomiyaha Aqalka Sare ee lagu xalinao khilaafka maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa Gudoomiyaha Aqalka sare hor dhigay tabashooyin badan ay ka qabaan Madaxda dowlada Federaalka iyo hab dhaqankooda, waxa uu cadeeyay in kalsooni badan uusan ku qabin in la fulinayo Heshiis uu la galo Madaxda sare ee dowlada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u sheegay Gudoomiyaha Aqalka sare in heshiis la gaaro ay ka horeyso in dowlada federaalka kasoo baxdo heshiisyo horey u gaareen iyo in dowlada fara galinta ka dhaafto maamul goboleedyada ay kamid tahay Jubbaland.

Waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe Shuruud uga dhigay Gudoomiyaha Aqalka sare in heshiiska uu qaadanayo hadii uu helayo damaanad qaad ku aadan in dowlada federaalka ay fara galinta ka dhaafeyso maamulkiida xiliga doorashada Jubbaland.

Gudomiyaha Aqalka sare ayaa u balan qaaday Axmed Madoobe in sida ugu wanaagsan marka hore loo turxaan bixinayo heshiiska uu maamulka Jubaland la galayo dowlada Federaalka kadibna la guda galayo amba qadka heshiiska.

Dowlada Federaalka  ayaa ku guuleesatay in ay kala dhantaasho Isbaheysigii ay sameesteen maamul goboleedyada, waxa ayna hada dowlada wadaa dadaalo ay ku dooneyso xubno ay fahmi karto qabtaan talada Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -