(Sawirro) RW Rooble oo Magaalada Baydhabo ka bilaabay kulamo wada-tashi ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan nabadeynta isku xirka bulshada.

Eng. Rooble ayaa dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deegaannadan oo ah bulsho caan ku ah nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoo u soo dhabar adayggay wax u qabashada dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha xaaladaha guud ee deegaannadan iyo duruufaha u baahan in dowladdu ay wax kala qabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -