Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Gaalkacyo oo Muqdisho la keenay

Qaar ka mid dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa galabta laga soo dejiyey Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dayuurad gaar ah ayaa ka soo qaaday Koonfurta Gaalkacyo dhaawacyadan oo ah qaar xaaladooda ay aad u culus tahay, isla markaana u baahan yihiin daryeel Caafimaad oo deg deg ah in loo sameeyo.

Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa la lakala geeyey dhaawacyadan si loogu daaweyo xaaladooda Caafimaad, waxaana gtaroonka aadan cadde ka soo qaaday gaadiid ambalaas ah.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, afartan kalena wey ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo xalay lagu weeraray kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka xili ku sugnaa afaafka hore ee hotel ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegtay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Magacyada Maxaabiis ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sh/hoose

Caydiid Ali

Shirkii ugu horeeyay ee Cilmi baaris Caafimaad oo lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

NISA oo qabtay Ganacsadihii Al Shabaab hubka uga soo iibin jiray Shiinaha iyo Dalal kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---