Ciidamo katirsan Daraawiishta Galmudug oo Dhoolotus soo bandhigay (Sawirro)

Ciidamo katirsan daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaa loogu soo xiray tababar bilooyin halkaasi uga socday.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo safar howleed ku jooga Degmada Caabudwaaq ayaa tababarka usoo xiray cutubkan cusub ee kamid noqonaya ciidamada daraawiishta Galmudug.

Ciidamada galabta tababarka loo soo xiray ayaana xarunta madaxtooyada Galmudug ee kutaala Caabudwaaq kusoo bandhigay dhoolotus ay la dhaceen masuuliyiintii iyo dadkii kale ee goobtaasi ku sugnaa.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kula dardaarmay ciidamada daraawiishta ee tababarka loo soo xiray in ay noqdaan kuwa daacad ah oo u adeega dadka iyo dalka , isagoona uga digay in qabiil noqdaan ama dadkooda dhibaateeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -