Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Duqeymihii caawa ka dhacay Muqdisho & Laamaha amniga oo war ka soo saaray

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Madaafiic iyo qaraxyo culus oo caawa fiidnimadii lagu weeraray qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan loo ogeyn halka laga soo ridayey ayaa loo malaynayaa iney ahaayeen kuwa loo yaqaano hoobiyeyaasha, waxaana barbar socday qaraxyo kale oo loo adeegsaday bambooyin.

Xaafadaha laga maqlay madaafiicda iyo qaraxyada ayaa waxaa ka mid ah Wardhiigley, Hodan, H/wadaag, Waaberi, Xamar weyne, Dayniile, Xamar jajab iyo meelo kale.

Duqeymahan oo aaney cadeyn halka lala beegsanayey ayaa markii ay bilowdeen waxaa khal-khal badan uu ku yimid dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka kala cararay laamiyada iyo goobaha kale ee la iskugu yimaado.

Goobaha caawa sida tooska ah loo weeraray waxaa ka mid ah fariisimo ciidan iyo guryo ay degan yihiin saraakiil ka tirsan dowlada, qaar ka mid ah ilaaladooda ayeyna dhaawacyo soo gaareen.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in qaraxyadii caawa ka dhacay magaalada ay ahaayeen kuwo dheemish ah oo loo adeegsanayey Baaruud iyo bacyo la macmalay, iyagoo xusay in ujeedada laga lahaa ay aheyd in magaalada la khal khal geliyo, iyagoo sidoo kale tilmaamay inay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay.

Saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanku ayaa sheegay iney tageen goobo kala duwan oo dhawaqyada qaraxyada laga maqlay hase yeeshee aysan la kulmin qof ay waxyeello ka soo gaartay wixii caawa laga maqlayay magaalada.

War Al-shabaab ay ku faafisay baraha internetka ee afkooda ku hadla ayey ku sheegatay masuuliyada qaraxyada iyo weerarada caawa hareereyey Muqdisho.

Qaraxyadan oo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen ayaa ku soo aadaya xili dowlada Somalia ay balan qaaday iney xoojineyso amaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo caawa kowsatay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo meel mariyay Sharciga Batroolka dalka

Cabdi Cade

Qoorqoor oo si kulul uga hadlay dilka loo geystay Abwaan Badal Jaamac Xersi

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Qalbi dhagax oo ku dhowaad sanad ka dib waqti la qaadanaya qoyskiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---