Maamulka Puntland, ayaa si adag uga hadashay siyaasiyiinta mucaaradka ee hubka iyo gaadiidka dagaalka ku dhex wata magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, xilli xukuumadda loo jeediyey eedaymo kala duwan.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warfidiyeenka maanta la hadlay, ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka in aysan khalkhal gelin ammaanka magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland.
“Siyaasiyiintu hayska daayeen tiknikada ay magaalooyinka la soo gelayaan, nin siyaasi ah oo dalkiisii ku soo laabtay oo doonaya 20 Tikniko ah in lagu soo dhaweeyo xikmada kujirta garan maayo, nidaamka dowliga ah shaqada ha loo daayo”, Ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Magaalada Garoowe waxaa dhawaan lagu soo dhaweeyey siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweyne Deni ay ku jiraan siyaasiyiin kursiga kula tartanay, kuwaa oo qaarkood magaalada lasoo galay gaadiid badan oo nuuca dagaalka iyo ciidamo ilaalo ah.