Ciidanka booliiska ee ka howlgalla saldhigyada booliiska degmooyinka Hiliwaa , Dayniile iyo Cabdicasiis, ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan rag ku eedeysan in ay geesteen falal isugu jira dil iyo dhaawacyo.
War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka qabteen raggan ku eedeysan falalka dilka iyo dhaawaca ah, waxa ayna booliiska sheegeen in raggan la horgeyn doono caddaaladda.
“Ciidanka Boiiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigayada Boliiska Hiliwaa, Deyniile iyo Cabdicasiis, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaay ku eedeysan falal isku jira dil iyo dhaawac, dhaamaantoodna ay ku geesteen qori Ak 47 ah. Waxaa la horgeyndoonaa Maxakamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkan kusoo badanayay ragga hubeysan ee dadka shacabka ah dilalka , dhaawaca iyo dhacaba u geesta, kuwaa oo mararka qaar ku dhibaateeya dadka shacabka dareeska ciidanka dowladda.