Burcad-badeed Soomaali ah oo isaga carartay Markab ay shalay Afduubteen kaddib markii…

Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa shalay meel 380 nautical miles dhanka Bari kaga toosan xeebaha magaaladda Muqdisho, ka afuubtay markab ganacsi oo lagu magacaabo MV Basilisk .

Markabkan la afduubtay ayaa la sheegay in uu ka dul-babanayey calanka dalka Liberia, waxaana markabkan shalay gudaha u galay oo afduubtay koox-burcad badeed Soomaali ah oo doonyo watay.

Burcad-badeeda markabka afduubatay ayaa la sheegay in maanta oo Jimcaha isga dageen markabka kana carareen, kaddib markii ciidamo la socday helicobter ku dul dageen markabka ayna isku dayeen in gacanta ku dhigaan burcad-badeeda.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka ciidanka Badda ee Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ayaa lagu sheegay in markabka ay ka carareen kooxdii aftuubatay, waxa ayna xuseen in ay ku baxsadeen labo doon ay wateen.

Badmaaxiintii la socotay markabka la afduubtay shalay ayaa la sheegay in ay nabad qabaan, marka laga reebo hal badmaax oo dhaawac soo gaaray, waxa ayna sii wateen safarkoodii markii laga bad baadiyay kooxdii afduubka u geesatay.

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa dib usoo cusbooneysiiyay afduubka ay u geestaan marakaabiibta ganacsi, waxaana dhowr mar la fashiliyay maraakiib la afduubtay, halka Markab laga lahaa Bangaladesh laga siiyay burcada lacag malaayiin dollar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -