Hogaanka Ahlu Sunna oo goordhaw laga kaxeenayo Xero Inji iyo Hubkii Ahlu Sunna oo…

Warar aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Hogaanka Ahlu Sunna ee isku dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya goordhaw laga kaxeenayo xarunta Inji ay horey u degnaayeen.

Sida aan wararka ku helnay Hogaanka Ahlu Sunna ee kala ah Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa lagu wadaa in la geeyo Madaxtooyada maamulka Galmudug si kulan aysan ku faraxsaneyn ula qaataan Madaxweynaha ay diidanaayeen ee Galmudug.

Lama oga ilaa hada waxa looga hadli doono kulankan aan rabitaanka ku imaan balse duruufta keentay, waxaana saraakiisha dowlada ee gacanta ku haya hogaanka Ahlu Sunna ku qanciyeen in ay geeyaan xarunta Madaxtooyada.

Maamulka Galmudug iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaan wali la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan hogaanka Ahlu sunna oo horey wadahadalo u diiday sidoo kale uga baxay heshiisyo badan ay dowlada la gashay.

Dhinaca kale ciidamada dowlada ayaa si buuxda ula wareegay hubkii ay ku dagaalamayeen kooxda Ahlu sunna gaar ahana gaadiidka dagaalka iyo hub kale, waxaana hubkaasi la isugu geeyay barxad ku taala xarunta Inji.

Ciidamadii u dagaalamaay Ahlu Sunna oo hubka laga dhigay ayaa iyaga la isugu geeyay goob gaar ah oo lagu ilaalinayo, waxaana guud ahaan xarunta Inji ku sugan oo amaankeeda gacanta ku haya ciidamada dowlada.

Jiritaanka kooxda hubeesan ee Ahlu sunna oo awood badan ku laheyd Galmudug gaar ahaan magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa hada u muuqata in halkaasi kusoo dhamaatay .

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

- Advertisement -