Allbanaadir.com
NEWS

Xubin muhiim ah oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Xubin katirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta gobolada Baay iyo Bakool ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ,gaar ahaan taliska qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay Koonfur Galbeed.

Isxaaq Sheekh Cali Cabdullahi oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab muddo 14 sanno ayaa go’ aansaday in kooxdaasi isaga soo baxo iskuna dhiibo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ninkan kasoo goostay kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in uu u adkeysan waaye xaalada adag ee kooxda ka dhax jirta, waxa uuna tilmaamay rag asxaabtiisa ku qal qaaliyeen in Al Shabaab kasoo goosto.

Xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isku soo dhiibayay ciidanka dowladda, xubnahaasi ayaana lagu xareeyay xarumo dhaqan-celin ah oo loogu tala galay in la geeyo ragga isa soo dhiiba.

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Mudug

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---