Xildhibaan kamid noqonaya Golaha Shacabka Soomaaliya oo goordhaw la doortay

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu doortay Xildhibaan buuxinaya kursi ka banaanaa golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursiga maanta lagu dooranayay Magaalada Baydhabo waxaa horey uga geeriyooday Xildhibaan Khaliif  Sheekh Cabdullaahi (Dheere) oo kamid ahaa Xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo waxa aku tartamayay afar Musharax uu ku jiray wiil uu dhalay Xildhibaanka geeriyooday, waxaana ugu dambeyn doorashada ku guuleestay Musharax Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo helay 35 Cod.

Guddiga Doorashada madaxa banaan oo goob joog ka ahaa doorashada ayaa sheegay in Doorashada kursigan soo gabo gabowday uuna kusoo baxay Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo si rasmi ah uga mid noqon doono golaha Shacabka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -