Duqa Muqdisho oo Daahfuray qaadista Imtixaanaadka Dugsiga Dhaxe (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Dugsiyada gobolka Banaadir oo ay maanta u fadhiisteen in ka badan 27-kun oo Arday.
 
Gudoomiye Cumar Filish ayaa warqadaha imtixaanka mid mid ugu qeybiyay Ardaydii soo xaadirtay xarunta Jaamacada Ummada oo kamid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.
 
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu dambeyn guul u wada rajeeyay dhammaan ardayda maanta Imtixaanaadka u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhaxe.
Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare ayaa sidoo kale la filayaa in isbuuca soo socda magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ka bilowdo imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga Sare.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -