Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay rag Shacabka dhibaato ku hayay oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlaga degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, ayaa maanta gacanta kusoo dhigay labo nin oo lagu eedeeyay in ay dhac iyo dhaawac  u geesteen dad shacab ah.

Labada nin ee booliiska soo qabteen ayaa mid kamid ah waxa uu katirsan yahay ciidanka xoogga dalka waxaana magaciisa lagu sheegay D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed, halka ninka kalana magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Cali Ibraahim .

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggan lasoo qabtay dhac iyo dhaawac labo muwaadin ugu geesteen degmada Garasbaaley taariikhdu marka ay aheyd 21-5-2024 .

Booliiska ayaana sheegay in burcadan hubeysan ee ciidamada qabteen la horgeyn doono caddaalad, si loogu qaado dambiga ay galeen, waxa ayna xuseen in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo shacabka dhibaateesa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow Sababta dowlada Qatar u xirtay una heesatay ninkan u dhashay dalka Kenya

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed bixii ugu weynaa ee ka dhan ah Maraykanka oo ka socda Ciraaq

Caydiid Ali

DF oo Shaacisay in la joojiyay lacagtii laga qaadi jiray ardayda qaadaneysa Shahaadada Dugsiga Sare

Cabdi Cade