Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Villa Somalia ku saxiixay..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 28-kii bishii Luuliyo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Waxaa aas qaran oo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda loogu sameeyay isla magaalada Mqudisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaana Muqdisho ka furay buugga tacsida ee AUN guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

 

Related posts

Nin Hubeesan oo dil iyo dhaawac ka geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka dhulka oo tagay xerada Arbacow amarna siiyay ciidanka jooga (Sawirro)

Cabdi Cade

Jabhadda Buurta Gacan-libaax ee diidan Muuse Biixi oo talaabo culus qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---