Goob ay shir ku lahaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo cirka laga duqeeyey

Ciidamada Maraykanka ee Somalia jooga ayaa duqeyn diyaaradeed waxay ka geysteen degaan hoos taga degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe

Wararka ayaa sheegaya weerarkan lala beegsaday goob ay ku shirayeen xubno kamid ah Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada DF ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay Madaxii amniga Al-Shabaab ee degmada Jilib iyo xubno kale.

Lama hayo faahfaahin intaas ka badan oo ka soo baxaya duqeyntaas ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda Somalia ayaa duqeymo iyo weeraro ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo degaano kale oo ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

Dhinaca kale mar jiro war kasoo baxay Al-shabaab oo ku aaddan duqeyntaan iyo wararka tilmaamaya in looga dilay sargaal ka tirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -