Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo diiday qabashada Mooshinkii loo geeyey

Shiikh Aadan Madoobe, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacan sayray qorshe mooshin looga gudbin lahaa Xildhibaanadii taageeray mawqifka in Itoobiya joogto Soomaaliya, kuwaasoo ka soo jeeday Koonfur Galbeed.

Xildhibaano badan oo shir kula qaatay Shiikh Aadan Madoobe hoyga uu Villa Hargaysa ka dagan yahay ayaa xildhibaanada u sheegay in Xildhibaanadii taageerada u muujiyay Itoobiya uu ka keenayo raaligalin inay ka bixiyaan talaabadaas, balse arrintaasi waxaa ka biyo diiday Xildhibaanadii waday Mooshinka oo ku adkaystay inuu ka qabto Mooshìnka si xasaanada looga qaado xildhibaanadaas, loogu eedeeyo dembi qiyaano Qaran.

Madaxwayne Laftagareen ayaa la sheegayaa inuu Xildhibaanadii  shirka Jaraa’id qabtay uu mid mid ula soo hadlay isagoo ku cadaadinaya inay taageero u muujiyaan dawladda Itoobiya, maadaama ay degmada Bakool ka dhaceen banaanbaxyo lagu taageerayo joogitaanka ciidamada Itoobiya oo isagu uu abaabulay.

Villa Soomaaliya ayaa lagu soo waramaya in ay gudoonka baarlamaanka cadaadis ku saarayaan sidii xildhibaanadaas xasaanadooda dib u eegis loogu samayn lahaa hase ahaatee Aadan madoobe ayaa isku dayaya xal meel dhexe ah raadiyo si uu u qanciyo laftagareen iyo Xassan Shiikh.

Related posts

Faahfaahin:-Dhismihii kufsiga & dilka loogu geystay Xamdi oo la weeraray & Shirkii Muqdisho oo…

admin

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta Daah-furay mashruuc muhiim ah

Cabdi Cade

Taliyaal Ciidan oo Caawa Kormeer kadis ah ku tagay Koontaroolada laga soo galo Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---