Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay jihada Madaxwayne Xasan Shiikh uu ku wado siyaasadda arrimaha gudaha dalka, iyada oo lagu sifeeyey ‘niyad-jab’ wiiqi kara dagaalka xoraynta.
Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay hoggaaminta Madaxweyne Xasan, iyadoo sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo la hadlay jariidada Washington Post uu sheegay in Madaxweyne Xasan uu si weyn diiradda u saaray siyaasadda gudaha halkii uu xoogga saari lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“Tani waxay keentay niyad-jab sii kordhaya oo la xiriira kalsoonida Mareykanka ee dowladda Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalkan.
Waxaa uu sheegay in muddooyinkii dambe argagixisadu ku fiday gudaha Soomaaliya, waxayna dib u qabsadeen magaalooyin muhiim ah, taasoo walaac weyn ku abuurtay Mareykanka.
Intii lagu jiray xukunkii hore ee Trump, ciidamada Mareykanka ayaa laga saaray Soomaaliya, taasoo dhaawacday awoodda tababar iyo taageero ee ciidamada Soomaalida. Inkasta oo ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya, haddana taageeradii xoogga lahayd ee la siin jiray ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya way yaraatay, waxaana sii xumaaday xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa u leexatay dhanka Turkiga, iyadoo heshiisyo muhiim ah lala galay Ankara oo ay ka mid yihiin sahminta shidaalka, diyaarado aan duuliye lahayn, iyo ciidamo Turki ah oo dalka yimid. Iskaashigan cusub wuxuu muujinayaa in Soomaaliya ay raadineyso saaxiibo cusub oo dhanka amniga ah, iyadoo kalsoonidii Mareykanka hoos u dhacday.