Agaasimaha Hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo taliyaha ciidanka dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), ayaa gaaray deegaanka Tardho ee gobolka Hiiraan,
Sanbaloolshe iyo taliyaha ciidanka dhulka ayaa kulan gaar ah Tardho kula yeeshay odayaasha dhaqanka, waxa ayna kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada xoogga iyo kuwa macawuusleyda deegaanka.
Agaasimaha Hay’adda NISA iyo taliyaha ciidanka Dhulka, ayaa ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka Tardo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageeridda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Gobolka Hiiraan deegaanno katirsan waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana dagaalka xoogiisa hoggaaminaya ciidanka macawuusleyda beesha Xawaadle, kuwaa oo casharo waa weyn u dhigay kooxda Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com