Kooxda Macawiisley oo shaacisay in hub iyo gaadiid dagaal saakay ka qabsadeen Al Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Ceel Cali ayaa sheegaya in saakay aroor hore halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay kooxda Macawiisley iyo Al Shabaab.

Kooxda Macawiisley ayaa la sheegay in saakay aroortii weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Ceel Cali ay maamulaan Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac dhax maray.

Maxamed Cali Istakiin oo kamid ah rag horboodaya kooxda Macawiisley ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in weerar saakay ku qaadeen deegaanka Ceel Cali ay Al Shabaab ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan  .

Waxa uu sheegay in dagaalka ku dileen shan dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab ayna ku qabsadeen labo gaari oo nuuca dagaalka ah ay ku xiran yihiin qorayga dhashiikaha sidoo  kalana ku qabsadeen hub kale oo fud fudud.

Al Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin weerarkan saakay lagu qaaday deegaanka ay maamulaan, mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara dagaalka Macawiisley iyo Al Shabaab dhax maray iyo waliba khasaaraha ka dhashay.

Kooxda Macawiisley ayaa bilowday dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ay ku qaadaan deegaano ay Al Shabaab ka joogana gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan, waxaana kooxda Macawiisley u muuqdaan kuwa awood sii yeelanaya.

- Advertisement -