La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dadweynaha ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag u difaacay eedeyn kasoo yeertay siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka Deni, kuwaa oo sheegay in howlgalka buuraha Calmiskaas ka socdo ku hoos duugan yihiin howlo kale.
Lataliye Axmed Cabdi Hurre oo sidoo kale xidid yihiin Madaxweyne Deni , qandaraasyana ka heesta Madaxtooyada Puntland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadallo kasoo yeeray siyaasiyiin mucaarad ah , kuwaa oo sheegay in howlo macdan baaris ah ka socoto buuraha Calmiskaad.
Waxa uu sheegay ninkan seediga u ah Madaxweyne Deni in siyaasiyiinta mucaaradka sumcad xumeenayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada, waxa uuna sheegay in ay ku jees jeesayaan dhiigga ciidamada u dhimanaya difaaca dadkooda.
“Maanta iyadoo ciidamadii dagaal ku jiraan oo buuraha qarfada ah lugaynayaan in lagu jees jeeso oo la dhaho macdan baa lagu baaranaya waa wax aad looga xishoodo. Wax la aqbali karo maaha Siyaaasiyiinta Reer Puntland ee fasiraadsa qaldan iyo dicaayadda ka faafinaya dagaalka Argagixisada ee wiilasheennu ku dhimanayaan kuna tilmaamaya ciidanka kuwa macdan lagu guranayo” ayuu yiri Hurre.
Waxa uuna intaa ku daray lataliye Axmed Cabdi Hurre” “Dalkan dowlad buu leeyahay waa la maalgelinayaa, mana aha in la yidhaahdo; gaajaa loo tahriibayaa, haddana la diido maalgashiga, in macdanta laga shaqeeyo waa horumar”
Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah hab maamulka Madaxweyne Siciid Deni, ayaa muddooyinkan sii kordhaya, waxa ayna siyaasiyiinta qaarkood ku eedeeyeen in Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa wadaan howlo macdan baaris ah ayna dagaalka ku dhax jiraan arrimo kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com