Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo maalmahan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wararku sheegayaan in ay ka heshiiyeen khilaaf iyo kala aragti duwanaasho labada masuul horey usoo kala dhax gashay.
Dowladda Imaaraadka Carabta , ayaa ku guuleesatay in ay dhameeyaan khilaafkii u dhaxeeyay labadan hoggaamiye oo mar xiriir dhaw lahaa, balse ku kala tagay doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh laguna siiyay xilka Ra’isul Wasaaraha Xamse Barre uu watay Axmed Madoobe.
Sida aan xogta ku heleyno Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka hesiiyay waxii madmadow ahaa ee dhaxdooda yaallay, waxa ayna mar kale sameesanayaan isbaheysi hoose , iyaga oo si cad uga horimaanaya rabitaanka Villa Soomaaliya.
Labada hoggaamiye ee maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa la filayaa in ay usoo safraan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo la filayo in ay ka bilaabaan dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Villa Soomaaliya iyo abaabul cusub.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa sidoo kale la filayaa in ay ku biiraan isbaheysiga mucaaradka ee kasoo horjeeda rabitaanka Villa Soomaaliya, kuwaa oo badankood hadda joogaan Muqdisho kana wadaan abaabul siyaasadeed iyo shirar hoose.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com