Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo saakay sabab u noqday in ay xirmaan garoomada iyo Dekadaha Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta ayaa saakay mar kale gantaalo culus waxa ay ku weerareen qeybo kamid ah gudaha Israa’iil, waxa uuna weerarkan saakay dhacay sababay in ay xirmaan garoomada diyaaradaha iyo dekadaha kuyaalla magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil.

Gantaalada kooxda Xuutiyiinta ku qaaday ayaa lagu riday bartilmaameedyo kuyaalla gudaha Israa’iil, waxaana markii uu weerarka bilowday dadka Israa’iiliyiinta ah blaabeen kala carar iyo in ay galaan goobo gabaad ay ka dhiganayaan.

War kasoo baxay kooxda Xuutiiinta ayey ku sheegeen in weerarkooda saakay ku qaadeen bartilmaameedyo muhiim ah, waxa ayna tilmaamay in weerarooda ay sii socon doonaan inta Israa’iil ay wado xasuuqa ay u geysaneyso shacabka magaalada Gasa.

Xuutiyiinta ayaa marar badan weeraro ku qaaday garoonka ugu weyn diyaaradaha Israa’iil ee Ben Gairon , waxa ayna horey diyaaradaha caalamiga ah uga digeen in ay adeegsadaan garoonkaasi oo ay tilmaameen in bartilmaameed u yahay.

Israa’iil , oo marar badan iyana weeraro ka geesatay gudaha dalka Yemen gaar ahaan bartilmaameedyo Xuutiyiinta maamulaan , ayaa ku guul dareesatay in ay kahor tagto weerarada Xuutiyiinta uga imaanaya iyo sidii ay u heli lahaayeen xogta goobaha  gantaalada laga soo tuuro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Caan ah oo Shaaciyay in Xildhibaano Wakiil ka ah Al Shabaab soo galeen Baarlamaanka

Cabdi Cade

Diyaaradaha dagaalka Qatar oo cabsi geliyay diyaarado laga leeyahay Imaaraatka

Cabdi Cade

Dowlad ka tirsan caalamka oo dayuurado u kacsatay la dagaalanka Dooli ka yaabsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---