Allbanaadir.com
NEWS

Iran iyo Pakistan oo iska kaashanaya tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil

Hoggaamiyaha kacaanka dalka Iran Ayatullah Sayyid Ali Khamenei ayaa sheegay in Iran iyo Pakistan ay qaadi doonaan tallaabooyin wadajir ah oo wax ku ool ah si wax looga qabto tacadiyada maamulka Israa’iil ka geysanayo Marinka Gaza.

Kulan uu Magaalada Tehran kula qaatay Ra’iisul-wasaaraha Pakistan Muxamed Shehbaz Sharif, ayuu ka sheegay in Pakistan xil gaar ah ka saaran yahay xaaladaha dalka Islaamka ah oo Falastiin qayb ka tahay.

Ayatullah Khamenei ayaa bogaadiyay in la soo afjaray colaadii muddooyinkaan ka dhex aloosnayd dalalka akistan iyo India, isagoo rajo ka muujiyey in labada wadan ay gaaraan xal kama dambays ah.

Ra’iisul-wasaaraha Pakistan Muxamed Shehbaz Sharif, ayaa xusay in dalkiisu uu jiho wanaagsan ka taagnaa qadiyadda Falastiin isla markaana uu marwalba dedaal ku bixinayo sidii madaxbanaanidooda loo ilaalin lahaa.

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee Laftagareen loogu soo dhoweeyey Garowe

Caydiid Ali

Dhegeysiga dacwada Badda oo Maalintii labaad ka bilaabaneysa Maxkamada ICJ

Caydiid Ali

(Sawirro) Xamse Barre oo xariga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---