Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo taageero Iran oo isku diyaarinaya in Weerar ka dhan ah Mareykanka

Xiisada colaadeed ee ka taagan Bariga Dhaxe, ayaa sii xoogeesatay kaddib markii milatariga Mareykanka habeen hore weerar culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday xarumo kuyaalla dalka Iran, oo lagu tuhmayay in Nukliyeera Iran yaallaan.

Dowladda Iran, ayaa ku hanjabtay in ay qaadi doonto weeraro aargudasho ah oo ka dhan ah Mareykanka iyo Israa’iil, waxaana wali la dhoorayaa nuuca weerar ay qorsheeneyso in dowladda Iran in ay uga aargudato dowladda Mareykanka.

Kooxaha taageera Kacaanka Iran ee ku sugan Bariga Dhaxe , gaar ahaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya , ayaa laga cabsi qabaa in weeraro culus ku qaadaan saldhigyo milatariga dalka Mareykanka ku leeyihiin qeybo kamid ah dalalkaasi.

Sargaal katirsan milatariga dalka Mareykanka , ayaa u sheegay wargeyska New York Times in ay jirto cabsi ay ka qabaan in maleeshiyaad Shiico ah oo taageersan Iran in weeraro ku qaadaan saldhigyada Mareykanka ee kuyaalla Ciraaq iyo Suuriya.

Dhinaca kale Ergeyga Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, ayaa  golaha ammaanka ka sheegtay in Iran iyo kooxaha taageera ay ciqaab adag kala kulmi doonaan haddii ay weeraraan muwaadiniinta iyo saldhigyada milatariga ee ku leeyihiin Bariga Dhaxe.

Milatariga Mareykanka ee ku sugan dalal kuyaalla Bariga Dhaxe, ayaa la galiyay heegan sare , waxaana jirta cabsi laga qabo in Iran iyo kooxaha maleesgiyaadka ah ee  taageera in weeraro culus oo jawaab u ah weerarkii habeen hore dhacay ay qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal

Cabdi Cade

Boqolaal askari oo ku dhintay xero uu tababar uga socday & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Imaaradka Oo Iibsanaya Guryo kuyaala Qudus iyo arin halis ah oo ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---