Allbanaadir.com
NEWS

Heyadda SODMA oo beenisay iney dawooyin qaldan geysay Moqokori

Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka oo beenisay eedeymaha sheegaya iney dawooyin iyo qalab caafimaad oo aan loo baahneyn geysay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Shixnada ay hay’adda geysay degmada Moqokori ayey ku sheegtay in lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab hase ahaatee masuliyiinta gobolka ayaa baraha bulshada ku baahiyey muuqaal ku saabsan in dawooyinka halkaas la geeyey ay ku jireen waxyaabo loogu talo galay cudurka COVID 19 iyo dawooyin aan loogu talo galin dadka dhaawacmay.

Arrintaas ka dib Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqday in ay jartay wadashaqeyntii kala dhexeysey Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee (SODMA) oo ay ku eedeeyeen “ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabeelle”

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabeelle oo ku asteysnaa 25 May 2025, ayaa si gaar ah far ugu godday guddoonka hay’adda SODMA, oo ay sheegtay “in uusan matali karin danaha shacabka Hirshabeelle marka la eego howlaha la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka”.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo sababeyneysa go’aanka ay ku jartay xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Mohamud Macallim ayaa tiri “Go’aankan wuxuu salka ku hayaa is-faham la’aan joogto ah, ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la’aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka”.

Hase ahaatee Agaasimaha Caafimaadka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed oo ka jawaabayay eedaha ayaa sheegay in ujeedka ay u tageen degmada uu ahaa sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen xaaladda bani’aadamnimo iyo midda nololeed ee ka jirta deegaanadaas.

“Safarkeena ujeedkiisu wuxuu ahaa qiimeyn aan ku soo sameyneynay xaaladaha bani’aadannimo, inaan marka hore ogaano xaaladda dadka Soomaaliyeed ee meeshaas ku dhaqan, adeegyada ay haystaan iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin” ayuu yiri

Wuxuu sheegay in qaadista shixnada ay ku timid in wafdiga u socday degmada la sii raaciyo shixnad wax u tareysa dadka deegaanka.

“Si looga faa’iideysto safarka guddoomiyaha, waaxda caafimaadka ee hay’adda waxay diyaarisay shixnad daawo ah oo lagu qaadayo labo diyaaradood oo Helikopter ah oo ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri

Dr. Cabdullaahi oo ka jawaabayay waxa ay ka koobneyd shixnadda la geeyay degmada ayaa sheegay inaysan yaraan gelin wixii la geeyay degmada.

“Tirada dawada ma yareyn, waxyaabaha la sheegayo iyo waxyaabaha kutiri-kuteenta ah oo dad dana gaar ah leh ka shaqeynayaan, waxba kama jiraan” ayuu yiri Dr Cabdullaahi oo intaa ku daray “Maamulka diyaaradahaas ayaa nagu wargaliyey in xamuulka diyaarad kasta qaadi karto ay tahay labo tan. Hal tan oo ka mid ah waa shidaal, halka tanka kale ee soo haray loo qaybiyay dawada iyo rakaabka”.

Agaasimaha wuxuu kaloo sheegay in dawada ay geeyeen degmada ay isugu jirtay waxyaabaha deegaan dhib soo maray uu u baahan yahay.

“Deeqda aan meesha geynay waa deeq ku filan shacbigaas Soomaaliyeed oo muddo saddex bilood ah ay isticmaali karaan oo wax u tareysa” ayuu yiri Dr. Cabdullahi oo intaas ku daray, “waxaan caawinnaa qof kasta oo dhiban oo dhibaato haysato, dawooyinka aan qaadnay waa kuwa intaas xiriir la leh, haddii ay noqon laheyd kuwa degdegga iyo kuwa hooyada iyo dhallaanka” ayuu yiri

SODMA ayaa soo bandhigtay liiska noocyada dawooyinka ay deegaannadaas geeyeen iyo tiradooda waxayna sheegeen waxyaabaha ku jira muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyey aysan heyaddu geynin moqokori ayna yihiin wax la been abuuray.

HOOS KA DAALACO QORAAL AY SOO SAARTAY SODMA IYO LIISKA DAWOOYINKA AY SHEEGTAY IN LA GEEYEY HALKAAS.

Related posts

Kenya oo shaacisay in qabatay xubno la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Camp Simba

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo beeniyay in uu jiro kulan wadajir ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo Eedeymo u jeedisay Hay’addo katirsan Qaramada Midoobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---