Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon oo wehliyo Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Imaatinka Mas’uuliyiintan hore ayaa la sheegay inay dhameystir u tahay dhismaha Isbaheysi ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta Mucaaradka oo berri shir uga furmaya Muqdisho.
Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Madasha Mucaaradka uu hoggaamin doono Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayna xubno ka yihiin Ra’iisul Wasaarayaal hore, Wasiiro hore iyo siyaasiyiin kale.
Qorshe la doonayay Isbaheysigan lagu soo daro Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa guuldareystay, kaddib markii xubnaha qaar ee Mucaaradka ay diideen
Xubnaha diiday ayaa caddeeyey in mowqifkooda siyaasadeed aanu la jaanqaadi karin Rajiimkii hore iyo kan hadda talada haya oo ay aaminsan yihiin in aanu jirin wax badan oo ay ku kala duwan yihiin, marka loo eego ficilada iyo hab dhaqankooda siyaasadeed.