Dowladda Kenya ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay “inay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo oggolaanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho inay tahay hay’adda kaliya ee sharciyeysan ee maamusha arrimaha dalka, oo ay ku jiraan maamullada gobollada.
Kenya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo ku saleysan is-ixtiraam, wada-shaqeyn, nabad, iyo horumar waara.
Waxay sidoo kale sheegtay iney diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya iyadoo loo marayo wadahadal joogto ah, iskaashi goboleed, iyo mashaariic is-kaabaya.
Kenya waxay sheegtay iney ku wargelisay DF inay sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Somaliland, iyadoo la tashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhiso xiriir rasmi ah iyo joogitaan diblomaasiyadeed — ujeedkuna yahay taageeridda amniga iyo danaha ganacsi, iyadoo la raacayo mabaadi’da deris wanaagga iyo is-ixtiraamka.
“Annaga oo ilaalinaya midnimada Soomaaliya haddana waxaannu xidhiidh la samaynaynaa Somaliland iyo Jubaland oo annu la wadaagno dano amni iyo mid ganacsi” wasaararadda Arrimaha Dibadda Kenya.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maanta madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro uu u dhoofay Kenya halkaasoo uu wadahadalo kula yeelanayo madaxda dalkaas, iyadoo hadalka ay soo saartay dowlada Kenya uu u muuqdo mid loogu qaboojinayo DF si aysan uga didin safarka uu Ciro ku tahay Nairobi.
HOOS KA DAALACO BAYAANKA KENYA