Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Agaasime Koofi oo kormeeray Xafiisyada heyadda Socdaalka ee Magaalada Cadaado

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeerey xafiisyada hay’addu ku leedahey magaalada Cadaado.

Koofi ayaa halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgala xaruntaas iyo qaar ka tirsan bulshada Cadaado.

Kormeerka oo uu agaasimaha ku wehlinayey madaxa howlaha hay’adda ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta hab-sami u socodka howlaha hay’adda.

Waxaa uu saraakiisha kula dardaarmey inay u gutaan waajibka qaran si waafaqsan sharicyada dalka ayna muwaadiniiinta ugu shaqeeyaan si hufan.

Agaasimaha ayaa ku guda jira kormeerka sanadlaha ah ee uu ku sameynayey xafiisyada iyo howlaha hay’addy ku leedahay guud dhulka Soomaaliya, wuxuuna hore u soo marey qeybo Magaalooyin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Maxamed C/raxmaan Ibraahim

Cabdi Cade

Ronaldo oo Hadiyad looga dhigay Saacad qaali ah markii uu tagay Sacuudiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambo baxay dalka …

Cabdi Cade