RW Kheyre & Xildhibaano Mucaarad ah oo siyaabo kala gooni ah u booqday hoyga Cabdi Qeybdiid (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Senator ka tirsan aqalka sare.

Ujeedada booqashada Ra’isul Wasaaraha ayaa la xiriirtay in uu la qeybsado dareenka ka dhashey falkii lagu weeraray gurigiisa Cabdi Qeybdiid oo ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dowlada oo ay tababartay dowlada Imaaraatka.

Ra’isul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay falkaasi weerarka ah, isla markaana ay dowladdu talaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo falkaas ku lug laheyd.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 askari iyo saraakiil, kuwaasoo loo haysto inay ku lug leeyihiin weerarkaasi iyadoo baaritaano xoogan ay socdaan.

Sidoo kale, siyaasiyiin iyo Xildhibaano mucaaradsan dowlada ayaa booqday hoyga Cabdi qeybdiid, iyagoo sheegay iney aad uga xun yihiin falka lagula kacay.

Xubnaha booqday waxaa ka mid ah C/raxmaan C/shakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo qaar kale oo dowlada ka dalbaday iney maxkamad soo taagto cidii ka dambeysay falkaasi.

Baaritaano lagu ogaaneyo cidii amartay falkii shalay ciidamo ka tirsan dowladu ka sameeyeen guriga Cabdi Qeybdiid ayaa weli socda, iyadoo loo xirxiray saraakiil iyo ciidamo ku lug lahaa falkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -