Eey madaxiisa la dul dhigay lacag si loo dilo oo ilaalo gaar ah loo sameeyey (Sawirro)

Eey ku nool dalka Colombia oo si wanaagsan loogu tabobaray in uu uriyo daroogada ayaa naftiisa loo baqayaa kadib markii koox maafiyo ah oo daroogada ka ganacsada ay madixiisa dul saareen $70 kun doolar qofkii soo dila.

Eeygan ayaa horseeday in xitaa la xiro wax ka badan 200 oo maafiyada ka mid ah markii la heley daroogada.

Waxa ay doonayaan in ay kaga aargoostaan maadaamaa uu qabtay daroogo dhan 10 tan oo ay lahayd kooxdan Urabeños.

Hanjabaadan ayaa dowladda ku qasabtay in ay Eeyga ay u wareejiso garoonka magaalada caasimadda ah ee Bagota, halkaas oo loo arko meel uu ku bad gali karo.

Booliiska waxa ay sheegeen in illaalo dheeraad ah lagu daray Eeyga marka laga tago qofka caadi ahaan gacanta ugu haya.

Markii hore waxa uu Eeyga ka hawlgalayay magaalada deketa ah ee Turbo, halkaas oo inta badan ah meesha daroogada ugu badan laga soo galiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -