Hay’ada NISA oo soo bandhigtay Labo Sargaal oo Al Shabaab kasoo goosatay (Sawirro)

Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa barta ay Twitterka ku leedahay kusoo bandhigtay Sawirada labo Sargaal oo la sheegay in ay kasoo goosteen dagaalyahanada Al Shabaab.

NISA warka ay ku baahisay Twitterka ayey ku sheegteen in maalmihii lasoo dhaafay sagaal sargaal oo katirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidanka dowlada ee ku sugan Degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Saraakiisha Al Shabaab ee isku soo dhiibay ciidanka dowlada qaarkood ayaa diyaarado lagu keenay magaalada Muqdisho, waxaana xubnahaasi hada gacanta ku heysa Hay’ada nabad sugida Soomaaliya.

Labadan Sargaal ayey Hay’ada NISA sheegtay in Al Shabaab u qaabilsanaayeen maktabka Dacwada Xizbada iyo Maktabka Fursaanul Xizba,waxa ayna Saraakiishan Sheegtay NISA in si iskood ah isku soo dhiibeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -