Cali Cabdi Wardheere “Xamar waxaan u nimid sidii bulshada Galmudug loogu sharxi lahaa..”

Siyaasiga Cali Cabdi Wardheere “Cali yare” ayaa shalay ku soo laabtay Muqdisho, markii uu soo dhammeystay  socdaal uu ku tegay qeybo ka tirsan gobolka Galguduud.​

Sida uu Cali sheegay, socdaalka uu ku tegay gobolka wuxuu la xiriiray beelo ay ka dhexeysay colaad gun ah oo madal la isugu keenay si ay khilaafkooda u dhammeeyeen, iyada oo gogosha dhameystirka colaada  beelahaasi loo madlan yahay dhowaan, hasse ahaatee waxaa ay dad badani isweydiinayaan maadaama Cali yare aanu wax xil ah ka hayn DF iyo dowlad goboleedyada yeey tahay cidda howshaasi culus u xilsaartay.?

Ma dedaal nabadeed oo loo galay hor ALLAA mise dan & maslaxad gaar ah ayaa laga leeyahay.? siddee ku dhici kartaa iyada oo aan horay waxba loo sii sheegin in mar qura laga war helo shir loo qabtay beelaha Cabudwaaq & Balanbale .?​

Maxamed Cali Xassan oo lagu naaneyso [Jurus]  kana mid ah odayaasha Guriceel isaga oo ka hadlayey kaalinta shirkaasi uu ku lahaa Cali yare waxa uu yiri:​
“Waxaa inoo yimid nin dhalinyaro ah oo boorso lacag ku wata oo leh: “waxaan doonayaa  doorashada soo socoto in aan baarlamaanka soo galo” xooggii, juhdigii & wixii hanti ah ee baxay  oo dhan ujeedka laga lahaa waxeey aheyd  inuu soo jiito dareenka “attention” ka dadka”, waxaa la socday dhalinyaro sawir qaadayaal ah” ​
Cali Cabdi Wardheere waa kuma.?​
Cali yare waxaa markii ugu horreeysay magaciisa la maqlay isaga oo ka mid ahaa koox dhalinyaro ah oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii uu R/wasaaraha ahaa u qaabilsanaa abaabulka bannaanbaxyada.​
Cali dadka aqoonta u leh waxeey shaqsiyadiisa ku tilmaamaan inuu yahay  shaqsi ku xeeldheer barnaamijyada ku taxaluqa kicinta & abaabulidda shacabka;  Sidoo kale, inuu yahay  nin dhalinyaro  bulshey ah oo Soomaalidu isugu mid tahay, dadkana aan qabiil ku kala xigsan, yoolka siyaasadeed ee uu iminka tiigsanayo waa inuu ka soo dhexmuuqdo baarlamaanka soo socda iyo isaga oo caashaqsan inuu noqdo madaxweynaha GalMudug. ​
Cali yare wuxuu la soo shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo xilli adag, isaga oo Dowladdii Xassan Shiikh ay xabsiga dhigtay markii lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay Facebook ay laheyd NISA oo la jabsaday, taas oo uu Cali qudhiisu  iska beri yeelay.​
Cali yare,   wax xil ah kama hayo DF Soomaaliya, dadka ku dhowdhow Villa Soomaaliya waxeey leeyihiin Cali  wuxuu  haystaa ruqsad uu ku soo geli karo madaxtooyadda, kuna qaabili karo Farmaajo xittaa hadduu u baahdo saqdhexe habeenkii, wuxuuna iminka  ruqsadaasi u  isticmaalaa qaab dalaalnimo ah, isaga oo ganacsatada & cid kasta oo dano ugu xiran madaxtooyadda u soo dhammeeya.​
Cali yare, howlaha kale ee  loo igmaday waxaa ka mid ah,  inuu fal-celin ka sameeyo qoraalada ay baraha bulshada soo dhigaan siyaasiyiinta mucaaradka ah & xubnaha ay isku beesha yihiin ee ka soo horjeeda Dowladda Farmaajo.​
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -