Donald Trump oo ka dhawaajiyay hadal laga yax yaxsado oo dad badan ka careesiiyay

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay hadalo cunsuriyad iyo xishood daro ka muuqato, taa oo dhalisay xasaasiyad iyo caro ka timid dad kala duwan oo caalamka daafihiisa kunool .

Donald Trump oo ka hadlayay sharciga cusub ee dadka Soo galootiga dalka Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay hadalo si gaar ah ula beegsaday dadka kasoo jeeda dalka Haiti iyo kuwa qaarada Afrika.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka shan qariyay hadalo ay adag tahay in af Soomaali lagu turjumo ayna ka muuqato cunsuriyad iyo meel ka dhac meeshii ugu xumeyd uu u geesanayo dadka soo galootiga ah.

“Maxaan ku dooneynaa in aan dalkeena u keeno dalalkaas ka soo baxay xaga danbe” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mareykanka xili uu ka qeyb galayay shir looga hadlayay qaxooti kaga soo qaatay dalal Afrikaan ah iyo dalka Haiti.

Dalka Mareykanka ayaa qaabilay ogolaansho KMG ahna siiyay  Qaxooti ka badan 50, 000 oo u dhashey dalka Haiti kadib markii uu dalkaasi ka dhacay dhul gariir dad badan ku dhinteen sanadkii 2010-kii, waxa uuna Trump doonayaa in dadkaasi dalkoda dib loogu celiyo.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa dhalisay caro badan ,waxaana hadalkan cunsuriyada ka muuqato cambaareeyay wadamo ay ku jirto Botoswana Ururo caalami ah iyo dad kale oo magac leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -