Maraykanka oo weji gabax kala kulmay qaraar ka dhan ah kooxda Xamaas

Maraykanka ayaa ku fashilmay in la meel mariyo qarar uu horkeenay Golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobay oo lagu cambaarayn lahaa gantaalada ay Xamaas ku tuurto Israa’iil.

Qaraarkan waxaa ogolaaday 87 dal waxaana diiday 57 halka 33 dal ay ka aamuseen, wuxuuna sidaas ku waayay tiradii looga baahnaa ee saddex meelood oo labo.

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay inay arrintan garab istaag u tahay taariikhdii soo jireenka ahayd ee khaldanayd maadaama bay tiri Qaramada Midoobay aysan waligeed cambaarayn caynkan ah jeedin.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in tallaabadan ay dhirbaaxo ku tahay madaxweyne Trump.

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in inkastoo aan la helin codadkii loo baahnaa haddana inay tahay markii koowaad dalalku ay aqlabiyad uga soo horjeedsadaan Xamaas.

Arrinta ugu xiisaha badan ayaa waxay tahay in Dalalka diiday qaraarkan ayaa waxaa ku jiray kuwo reer galbeed ah oo Maraykanka ay xulufo yihiin, halka dalalka doonayey in la meel mariyana ay ku jireen kuwo Carbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -