Maamulka gobolka Tigray oo ku hanjabay inuu gantaalo ku weerarayo Eritreya

Hogaamiyayaasha gobolka Tigray ee Woqooyiga Itoobiya ayaa ku hanjabay inay gantaalo ku weerari doonaan dalka dariska la ah ee Eritrea sida ay baahisay wakaaladda warrarka ee AFP.

Madaxweynaha gobolka Tigray ayaa sheegay in Eritrea ay qeyb ka tahay dagaalka ay maamulkiisa ku wado dowlada Itoobiya.

Inkastoo dowlada Eritrea beenisay eeedeyntaas haddana waxaa la rumeysan yahay iney ku leedahay dagaalka looga horjeedo maamulka Tigray.

hanjabaadan ayaa ku soo beegmaysa xili xalay laba magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Ethiopia gantaalo lagu garaacay.

“Gantaal ayaa loo riday dhanka magaalooyinka Bahir Dar & Gonder. Natiijada ayaa ah in aagagga garoonnada diyaaradaha ay soo gaareen burbur,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gondar qayb ahaanna wuu burburiyay ayuu yiri Awoke Worku, oo ah afhayeenka aaga bartamaha magaalada Gonder. Gantaalka labaad ayaa isna ku dhacay meel ka baxsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bahir Dar.

Dawladda ayaa weerarkan ku eedeysay xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

“Taliska TPLF wuxuu adeegsanayaa hubkii ugu dambeeyay ee gacantiisa ku jira,” sidaasi waxaa bartooda Twitter-ka ku qoray ciidanka gurmadka degdegga ah ee dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -