Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar oo xabsiga la dhigay & eedeymo culus oo loo heysto

Wasiirka Maaliyadad Qatar, Ali Shareef al-Emadi la xiray, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq iyo ku tagri-fal awoodeed sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Dowladda Qatar ee QNA.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in xariga wasiirka Maaliyadda uu amray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar, islamarkaana uu hadda socdo baaritaan ku aadan eedaha loo soo jeediyay wasiirka.

Majallada ka faalloota arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah ee Baner ayaa sannadki 2020-ki u aqoonsatay Ali Shareef al-Emadi wasiirka ugu wanaagsan Wasaaradaha maaliyadda Bariga Dhexe.

Al-Emadi ayaa ahaa wasiirka Maaliyadda dalkan hodonka ah ee Khaliijka Carabta tan iyo sannadki 2013-ki. Wuxuu kaloo madax ka ahaa Sanduuqa Maalgashiga Qatar oo ay taallo lacag ka badan 300 oo bilyan oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -