Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Garsoore ka tirsanaa Maxkamadaha Al-shabaab oo isku soo dhiibay DF

Garsoore ka tirsanaa Maxkamadaha Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowlada Somalia ee howlgalada ka wada gobolada dhexe ee dalka.

Maxamed Muuse Wehliye ayaa ka mid ahaa garsoorayaal Al-Shabaab kala shaqeynayey Maxkamad ay ku leeyihiin degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa uu sheegay isagoo la hadlayey Warbaahinta dowlada inuu Al-shabaab si toos ah ula shaqeynayey muddo labo sano ah, haatana uu go’aansaday inuu iskaga tago, iskuna dhiibo ciidamada DF.

Sidoo kale, waxaa uu ka mahad celiyey sida ay u soo dhoweeyeen ciidamada dowlada, wuxuuna ugu baaqay ragga kale ee ka tirsan Al-Shabaab iney talaabadaasoo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii beesha caalamka iyo shanta dowlad goboleed oo baaqday (Sababta)

Caydiid Ali

(Akhriso) Somaliland oo shaacisay go’aan halis ah oo xoojin kara faafida COVID-19

Caydiid Ali

Qorshaha lagu canshuurayo lacagaha Telfoonnada laga diro oo la diiday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---