Puntland oo goob fagaare ah ku toogatay rag ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa maanta lagu toogtay saddex nin oo horey ay maxkamadi ugu ridday xukun ah iney ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo muddo sanad ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla magaaladaasi.

Ciidamada ammaanka ee Boosaaso ayaa raggan ka qabtay magaalada xilli ay ku guda jireen howlgal ay ku raadinayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la baadi goobayey.

Saddexda qof ee maanta dilka lagu fuliyey ayaa ka ah: Maxamed Xasan Barre, Bishaar Maxamed Xassan iyo Cabdixakiin Maxamed Faarax.

Maxkamadda darajada koowaad ayaa ridday xukunka dilka ee raggan maanta la toogtay iyadoo maxkamadda racfaankuna ay ku raacday go’aankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com

- Advertisement -