Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oo kulan Xasaasi ah la qaatay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb James Swan sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.
 
Kulanka Madaxweynaha iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inta uu Socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga & sidii loo dardar gelin lahaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.
 
Amb James Swan ayaa sidoo kale Madaxweyne Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ku amaaney kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka si Xasilooni siyaasadeed loo helana, sii wado dadaalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/xzCJQ6LLJPU

Related posts

Daawo Sawirada: Boqor Dhintay oo lala aasay Sanamyo loo ekeesiiyay askar Waardiye ah

admin

Al Shabaab oo shaacisay tirada ciidamada Itoobiya uga dileen Weerarkii maanta

Cabdi Cade

Madaxweynaha Xasan oo la tusay istaraatiyadda iyo qaabka loo qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---