Wareegii 2aad ee doorashada oo dhamaaday & Aadan Madoobe oo ku horeeya tirinta codadka

Waxaa la soo gebagebeeyey codeynta wareegii labaad ee doorashada Golaha shacabka BFS oo caawa ka socota magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka ayaa furay sanaadiiqda lagu riday codadka.

Waxaa haatan socota tirinta codadka iyadoo musharaxiinta ay soo kala dirsadeen wakiilo u qabta codadka ay kala heleen.

Waxaa wareega labaad ee doorashada ku tartamaya Xasan Cabdi Nuur iyo Aadan Madoobe.

Inkastoo wax ay wax kasta gadaal iska bedeli karaan waxaa codadka la tirinayo ku horeeya shiikh Aadan Madoobe

LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA..

- Advertisement -