Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah rag Mareykanku madaxoodu lacag dul dhigay oo lagu qabtay Kenya

Sida uu qoray wargeyska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya Mid ka mid ah labadii nin ee baxsadka ahaa ee uu Mareykanku ku raadjoogay loona haystay ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta ayaa la xiray.

Badru Cabddicasiis Saalax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska.

Qabashada ninkan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaasoo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

Balse waxaa ay booliiska wali ku raadjoogaan, Cabdi Xuseen Hussein Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah.

 

Related posts

Xiliga uu RW Boris Johnson dib ugu soo laabanayo xafiiska oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ciidamada NISA oo xabsi ku guray Odayaal fuliyey amar ka soo baxay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wasiirka Waxbarashada Somalia oo ku goodiyey in la xirayo qaar ka mid ah iskuulada dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---