Xassan Shiikh: “Heshiiskii Itoobiya & Somaliland ka dib Al shabaab waxay qoratay..”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisu “is difaaci doono” haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato maamulka la baxay Somaliland, isla markaana ay ay u aqoonsato dhulkaas dal madax-bannaan.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo heshiis is-afgarad ah kula heshiisay in 20 km (12 miles) oo xeebta ah laga kireeyo Somaliland – dhul ay Soomaaliya sheegtay in ay leedahay, inkasta oo gobolka Waqooyi uu leeyahay is-maamul wax ku ool ah tan iyo 1991-kii.

Itoobiya waxay sheegtay inay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato halkaas, waxaanay soo bandhigtay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland oo ay ku beddesho – taasoo keentay in Soomaaliya ay ka jawaabto diidmo.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu yiri Xassan Shiikh u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto.” ayuu intaas ku daray. inkastoo uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto.

Geeska Afrika waxa soo maray colaado soo noqnoqday, kuwaasoo sababay dhibaatooyin bini’aadantinimo. Itoobiya iyo Soomaaliya oo daris ah ayaa ku dagaalamay dhul 1977-1978 iyo 1982kii.

Xassan Shiikh ayaa sheegay in kaliya uu aqbali doono inuu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kala hadlo arrinta marka ay xukuumadda Addis Ababa ka tanaasusho rabitaankeeda ah iney qayb ka qaadato dalkeena.

Abiy ayaa horay u sheegay in Itoobiya aysan qorshaha ugu jirin in ay colaad ka bilowdo Soomaaliya, ayna isku dayeyso oo kaliya in ay wax ka qabato baahideeda dhanka badda.

Maxamuud ayaa sheegay in uusan ka fikireynin inuu eryo ku dhawaad 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo wadamo badan oo reer galbeed ah oo uu ku jiro Maraykanka oo si joogta ah u fuliya weerarada ka dhanka ah mintidiinta Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska dekedaha ee Itoobiya uu sare u qaadayo awooda Al Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay dabayaaqadii 2006 si ay uga saaraan dhaq-dhaqaaq Islaami ah oo al-Shabaab ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Maxamuud ayaa sheegay in qiyaasaha dowladdiisa ay muujinayso in Al-shabaab ay qorteen inta u dhexeysa 6,000 ilaa 8,000 oo dagaalyahanno cusub ah bishii Jannaayo oo keliya.

- Advertisement -