Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo kulan deg deg ah la qaatay Madaxda degmooyinka Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Waxaa looga hadlay shirka xoojinta Amniga Caasimadda, Bilicda & Nadaafadda iyo sare u qaadida Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo maamulada degmooyinka ka warbixiyeen kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo Adeegyada loo haayo Bulshada caasimadda.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka.

Related posts

Wasiir ku dhow Villa Somalia oo banaanka keenay sir u qarsanayd Kooxda Farmaajo

Caydiid Ali

Akhriso: Guddiga Maaliyadda Baarlamanka Somalia oo doortay hogaan cusub

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo booqday xarunta shirkadda Huawei (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---