Somalia oo la wareegtay Guddoonka Ururka Jaamacadda Carabta (Daawo Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka Wasiirrada Arrimaha dibadda Carbeed, kaasoo ka furmay Magalaada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Soomaaliya ayaa sanadkaan la wareegtay wareegga 151aad ee madaxtinimada Jaamacadda Carabta, waxaana shirkaasi diirada lagu saarayaa taageerida Nabadda iyo Horumarinta dalalka Suudaan iyo  Jaziirada Comoros, Xadgudubka Israel ku hayso dhulka Reer Falastiin, iyo khilaafka dowladaha Jabuuti iyo Eritrea iyo qodobo kale.

Geba-gabada shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro War murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale shirkan diirada lagu saarayo diyaarinta ajendaha shir madaxeedka Carabta oo bishan ka dhacaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -