Somaliland oo go’aano adag ka qaadatay ka hortagga cudurka Coronavirus (Akhriso)

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Bade ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee diyaar-garowga iyo ka hortagga cudurka Covid-9 ayaa sheegay in maalinta berri ah la xirayo xuduudaha Somaliland la wadaagto dalalka dariska la ah.

Cumar Cabdullaahi Badde ayaa intaas ku daray in la xirayo laga bilaabo beri xuduudaha ay la wadaagan Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaasoo qaarkood horeyba u sheegay iney dhinacooda xireen xuduudahooda sababo la xiriira ka hortaga faafida cudurka Coronavirus.

“Waxay xirnaan doonaan xuduudaha muddo Saddex Toddobaad ah oo ka bilaabanta berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo agabka Caafimaadka” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiirka ayaa warbaahinta u akhriyey go’aamo ay Guddigu soo saareen, kuwaasoo lagu xoojinayo ka hortaga lahaa cudurka kuwaasoo kala ahaa sidan:-

1. Bulshada Somaliland waxa lagu adkaynayaa inay ka taxadaraan halista Xanuunka Coronavirus, raacaana farriimaha Wacyi-gelinta ah ee loogu talo-galay ka hor-tagga Xanuunka ee bahda Caafimaadku la wadaagayso.

2. Guddigu markay qiimaysay Xaaladda Rakaabka ka soo degaya Madaarka Cigaal ee Hargeysa waxay go’aamisay in dhammaan Rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka laga bilaabo maanta, muddo 14 Maalmood ah lagu haynayo Goobo gaar ah oo lagu karantinimaynayo, muddadaas oo la hubin doono Xaaladdooda Caafimaad, iyagoo Rakaabkaasina isku qabi doona kharashka ku baxaya muddada 14-ka cisho ah ee la haynayo.

3. Waxa la xidhay dhammaan Xuduudka dhulka ee Somaliland la leedahay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, muddo 3 Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka, IWM.

4. Waxa la xidhay dhammaan Marsooyinka Badda (Dekedaha) ee Somaliland, marka laga reebo Dekedda Berbera oo ay ka soo degi karaan Waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka Shidaalka, Dawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee Caafimaadka, IWM, laga bilaabo berri oo bishu tahay 26.03.2020, lixda Makhribnimo marka la gaadho.

5. Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda waxa lagu war-gelinayaa in shaqaalaha ay ka maarmayaan ay faraan inay ku shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo shaqaalahaasina ku jiro doona Heegan buuxa. Arrintani ma saamaynayso Hay’adaha iyo Wasaaradaha hoos ku xusan, kuwaasi oo duruufo gaar ah awgeed looga baahan yahay inay si buuxda u shaqeeyaan, Hay’adahaa iyo Wasaaradahaa waxa ka mid ah, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Shaqaalaha Madaarka Cigaal, shaqaalaha Dekedda Berbera, Shaqaalaha Waddada Ceerigaabo-Burco, Shaqaalaha Bangiyada Somaliland, shaqaalaha Dawladaha hoose.

6. Hay’adaha Dawladda ee u xil-saaran fulinta Go’aammada loogu diyaar-garoobayo, lagagana hor-tagayo Xanuunka Covid_19 ee guddigu soo saartay, waxa lagu war-gelinayaa inay Cid kasta oo ka dhego-adaygta hirgelinta go’aannadan ay Tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -