Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa caawa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay Nabadoon caan ah oo ka tirsanaa Waxgaradka magaaladaas

Marxuum Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad Cabdi-dheere xilli uu ka soo baxay Masjidka Ramadaan ee uu ku soo dukaday salaadii cishaha

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo Ciidamada ammaanka maamulka Puntland goobta ka wadaan baaritaano.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay nabadoonka iyo cida ka dambeysay inkastoo dilalka noocan ah looga bartay Al-shabaab

Gaalkacyo oo ay kala Maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa horay uga kala dhacay dilal qorsheysan, waxaana badi dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nusrat ghani oo sheegtay in Xilkeeda Wasiirnimo ku weysay Islaanimo !

Cabdi Cade

Puntland oo amar cusub ka soo saartay isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & Mss. Federica Mogherini? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---