Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Odayaal kasoo jeeda Gedo oo diiday in Garbahaarey Doorasho ka dhacdo (Sawiiro)

Guddiga qiimeeynta xaaladda deegaan doorashada labaad Jubaland ee Garbohaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay odaayasha dhaqanka Jubaland ee matala qaar kamid ah kuraasta 16-ka ee ku asteeysan deegaan doorashada labaad ee Jubaland Garbahaarey.
 
Kulankan waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaha Barlamaanka Jubaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxman iyo masuuliyiin kale, waxaana kulankan lagu xog wareesanayay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Gedo ee jooga Kismaayo.
 
Odayaasha dhaqan iyo masuuliyiinta la kulmay guddiga qiimeynta ayaa wararku sheegayaan in guddiga u cadeeyeen in aysan suurto gal aheyn in xilligan doorasho lagu qabto magaalada Garbahaarey oo gacanta ugu jira maamul ka madax banaan Jubbaland.
 
Waxa ayna odayaasha guddigan ku taliyeen in doorashada kuraasta 16-ka kursi ee horey loogu asteeyay in ay ka dhacdo Garbahaarey halkaasi laga wareejiyo laguna qabto deegaan maamulka Jubbaland ka arrimiyo.
 
Guddiga qiimeeynta ayaana u sheegay odayaasha iyo masuuliyiinta kale ee la kulmeen in fikirkooda ay tixgelin doonaan ayna sii wadayaan wadatashiga arintan ayna tagi doonaan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
 
Maamulka Jubbaland ayaa ka biyo diidsan in doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ka dhacdo magaalada Garbahaarey oo ay ka arrimiyaan maamul si toos ah u hoostaga Madaxweyne Farmaajo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta kormeer shaqo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyaha Booliska DF oo aqbalay dalab xasaasi ah oo loo gudbiyey

Caydiid Ali

RW Najib Mikati oo gacanta ka taagay in dalkiisu ka qeyb galo dagaalka Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---