Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lasoo saaray (Akhriso)

Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la filayo in ay dhacdo 28-ka bishan.

Diiwaan galinta musharaxiinta ayey guddigu sheegeen in ay bilaabaneyso 22-ka bishan oo maanta ku beegan ayna ku egtahay beri oo jimco ah, waxa ay sidoo kale guddiga shaaciyeen in hadal jeedinta musharaxiinta ay dhaceyso 25-ka bishan.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaana la filayaa in maalinta arbacada soo socota oo ku aadan 28-ka bishan in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana inta badan lasii saadaalinayaa ruuxa noqonaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nooca Koronaha dadka ku dhameynaya dalka Hindiya oo soo gaaray bariga Afrika

Caydiid Ali

Xog ku aadan Waxyaabihii ay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Galmudug oo dib u dhigtay doorashada 3 ka mid ah kuraasta golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---